Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

weeraro ka dhacay Hiiraan, Baay iyo Jubada hoose.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Xalay iyo Shalay fuliayy weeraro kala duwan oo ka dhan ah Shisheeyaha dalka ku soo duulay iyo qaarka mid ah Ciidamada Maamulada Soomaalida ah ee la shaqeeya.

Midka mid ah weeraradaan ayaa Xalay ka dhacay Fariisinka Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Deeganka Halgan ee Gobalka Hiiraan.
Dagaal ayaa halkaa mudda ka socday waxaana la aamisan yahay in Ciidamada Itoobiyaanka ah Khasaarooyin lagu garsiiy.

Sidoo kale Ciidamada Kenya ee Fariisinka ku leh Deegaan Xeebeedka Kudhaa ee Gobalka Jubada hoose ayaa la kulmay weerar kaga yimid Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan la beegsaday Kenyaatiga halkaa dhufeysyada ku leh iyadoo ay jireen weeraro kale oo kuwaan ka horeeyay ee oo Kenyaatiga Kudhaa jooga ka dhan ahaa.

dhan kale kontarool ku yaalla Illinka magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay xalay waxaa ka dhacay weerar Xarakada Shababaul Mujaahidiin ku qaaday Ciidamada Maamulka Koofur galbeed ee Itoobiyaan halkaa haysta u daacadda ah.
Shalay waxaa weerar kan la mid ahua ka dhacay  Garoonka Macmalka ah ee Degmada Berdaale ee islka Gobalka Baay waxana lala beegsaday Ciidamada Koofur galbeed.
Ciidamada la weeraray ayaa cagaha wax ka dayay waxaana laga dhaawacay hal askeri ,Ciidamada Alshabaab ayaana la wareegay agabyo kala duwan oo ka carareen.
Shalay Ciidamada Alshabaab sidoo kale waxay weerareen Ciidamada Maamulka Jubbaland ee fariisimaha ku leh Deeganaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaaalda Kismaayo.

SHABAKADDA AMIIRNUUR

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*