Maxaa Cusub, Wararka Gudaha

Taliye sigtay iyoo ilaaladiisi oo qarax ku dhintay.

Taliye Xigeenka Malateriga Dowladda Federaalka ah Cabbaas Amiin Cali ayaa Maanta qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Deegaanka lambar Afar ee Magaalada Muqdisho.

waxaa la sheegay in qaraxaas uu ka bad baaday laakiin ugu yaraan laba ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah ayaa ku dhintay sadax kalena waa ay ku dhaawmaceen sida ilo xog ogaal ahu inoo sheegeen.

qaraxa ayaa Burburiyay Gaari Nooca Soomaalidu Cabdi bile u taqaan ah oo Taliyaah iyo ilaaladiisu wateen.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ayaa goobta gurmad ku yimdi waxaan dhaawacyada loo qaaday xarumaha Caafimaadka si loogu daweeyo.
Ciidamada ayaa aagga wax ka dhaceen xiray iyagoo ka cabsi qabo in qaraxyo kale ay dhacaan ama weeraro toos ahba.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan lala beegsadya Ninka labaad ee ugu sareeya Malariga Dowladda Sisheeyaha ku tiirsan e Federaalka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*