Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Gudoomiye Qarax ka bad baaday iyo askar la dilay hubna laga qaatay.

Laba askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Dowladda Federalaaka ah ayaa Maanta ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa toogtay xubnahaan sirdoonka ka tirsanaa waxaanay ka qaateen laba bastooladood oo ay wateen.
Geesta kale Isla Magaalada Muqdisho Maanta waxaa qarax lagula beegsaday Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif.

qaraxa ayaa waxaa gudoomiyaha lagula beegsaday Deegaanka Daarusalaam waana markii sadaxaad ee uu ka baxsado qarax ay la beegsatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

waxa dilalka iyo qaraxaanu ku soo aadayaan Xilli saakay isla Muqdisho qarax lagula beegsaday Taliye Xigeenka Malateriga ee Dowladda Federaalka ah Cabbaas Amiin Cali.

qaraxaas waxaa ku dhintay ugu yaraan laba askeri oo ilaaladiisa ka mid ah halka sadax kalena ku dhaawacmeen.
Gaarigii sarkaalkaan iyo ciidanku wateen waxaa la sheegay in burbur soo gaaray.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*