Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Alshabaab oo weerar ay askar badan ku xasuuqday ka fulisay Shabeelaha hoose.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Shabababul Mujaahidiin ayaa saaka weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Dowladda Federaalka ahu ku leeyihiin MagaalooyinkA Awdheegle iyo Bariire oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay cagta mariyeen qaarka mid ah dhufeysyada Ciidamada iyagoo halkaa ku laayay askar badan halka kuwa kalena ay ku dhaawaceen.
Khasaaraha ugu badan ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah lagu gaarsiiyay Bariire waxaana la sheegayaa in Meydkadkoodu is barkadeen.

Idaacadda ku hadasha Afka Alshabaab ee ee Al-andalus ayaa warisay in Gaadiid iyo hub intaba lagala wareegay Ciidamada Dowladda Federaalka ah si darana loo gumaaday.

Hubka iyo Gaadiidka u gacan galay Xarakada Shababaabul Mujaahidiin waxaa bixisay Ciidamadana Tababartay Dowladda Turkiga.

Aroortii hore qoraal ka soo baxay taliska Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa looga hadlay dagaalada Awdheegle iyo Bariire.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyaad Istish-haadi ah ku weeraray saldhigyada cadowga ee Awdheegle iyo Bariire, Allaah fadligiis maleeshiyaadkii murtadiinta waa lajebiyay waxaana jira qaniimo farabadan oo mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab.

Ciidamo ka soo gurmaday dhanka Muqdihso ayaa waxaa lagu weeraray inta u dhaxeysa Muqdihso iyo Afgooye kuwaasoo Khasaarooyin la gaarsiiyay.

wixii soo kordha waanu soo gudbin Insha Allaah

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*