Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhegeyso:- Sheekh Abuu muscab oo ka hadlay dagaalki Bariire iyo dagaalo kale.

Xarakada Shababaul Mujaahdiin ayaa Faahi Faahin dheeri ah ka bixisay Dagaalo Saaka ay ku qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku sugan Shabeelaha hoose gaar ahaan Awdheegle iyo Bariire.

Afhayeenka Dhanka Ciidamada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in ay Bariire ku Xasuuqeen Ciidamada Dowladda Federaalka ah Gaadiid dagaal iyo hubna ay  ay ku furteen.

waxa kale oo uu ka warbixiyay weeraro kale ooa y ka fuliyeen isla Gobalka Shabeelaha hoose oo barbar socday kan Bariire.

isku darka askarta weerarada Shabeelaha hoose ay ku dileen ayuu ku sheegay in ay gaareyso 67 askeri.

waxa kale oo uu ka war bixayay howl gal kale oo ay ka fuliyeen Gobalka Glagaduud

Halkaan ka dhegeyso Cidka Sheekh Abuu Muscab

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*