Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Kenya oo Gaari iyo askartii saarnayd laga qarxiyay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Shalay qarax la beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Gaari kuwa gaashaaman oo ay saarnaayeen.
qaraxa oo Gaariga lagu gubay ayaa ka dhacay deegaan ku yaala Soohdin beenaadka oo Hosingow ka xiga dhanka Dhulka Sooamaliyeed ee Kenya gumeysato.
waxaa la aamisan yahay in askartii saarnayd Gaariga ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen amaba ay wada dhinteen.

qaraxaan waxaa ka horeeyay qaraxyo kale oo Kenya Ciidamadeeda lala beegay kuwaasoo ay horay ay u fulisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Kenya Ciidamadeeda ayaa duulaan ku jooga gudaha Soomaaliya laakiin waxaa xusid mudan in Ciidamo Alshabaab ka tirsan mudda hore gudaha u galeen Dalka ay Maamusho halkaana ay weeraro ka fuliyaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*