Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Qarax iyo weeraro ka dhan ah Kenyaatiga iyo askarta Jubba land.

Gaari Xamuul ah ayaa Ciidamada Kenya maanta looga gubay Deegaan ka tirsan Gobalka Xeebta ah gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanada Milimaani iyo maangaay oo Laamu hoos taga.
Gaarigaan ayaa la sheegay in uu ku rarnaa qalab kenya ay u adeegsaneysay dhismaha derbi ay ka dhiseyso Xad Beenaadka labada Dal u dhaxeeya.
wararku waxay sheegayaan in qaraxu Gaariga burburiyay waxaana halkaa ku dhintay darawalkii iyo askar gaariga saarneyd oo ilaalo ka hayay.
Shalay ayay ahayd markii Deegaan Soohdin beenaadka ku yaala oo Hosingow ka xiga dhanka Dhulka Soomaaliyeed ee kneya haysato Gaari Gaashaaman looga qarxiyay Ciidamada Kenya.
askarta Gaarigaa saarneyd ayaa la aaminsan yahay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.
Qaraxyadaan Kenya gaadiidka looga burburiyay askartana looga laayay waxaa Mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
dhinaca kale Ciidamada Xarakada Shbaabul Mujaahidiin waxay saaka iyo Xalay weeraro ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Alshabaab ayaa Barqadi weeraray Ciidamada Jubbaland ee jooga Buundada daariq oo u dhaw Baar sanguuni.

dagaalkaas ayaa mudda socday waxaana la aamisan yahay in dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen.
Xalayna  Ciidamada Xarakada Shbaabul Mujaahdiin waxay weerar ka fuliyeen Deegaanka Cabdalla Biroole ee isla duleedka Kismaayo halkaasoo ay ku weerareen Ciidamada Kenya ee dhufeysyada ku leh.
Diryaanka hubka la is dhaafsnayay ayaa deegaanka iyo nawaaxigiisa mudda laga maqlayay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*