Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

qarax iyo weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo Buurane ka dhacay.

ugu yaraan laba askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Hirsahbeelle ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax Maanta Barqadii ka dhacay Deegaanka Buurane ee Gobalka Shabeelaha  dhexe iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen.

afarta  Qaraxa ku dhaawacmay waxaan ku jira Taliyihii Ciidamada Buurane jooga iyo Nin kale oo Taliye Horin ah, sida ay sheegayaan warar aan ka helnay Deegaanka Buurane.

Qaraxaan oo ay Mas’uuliyadiisa Sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa ka horeeyay weerar saaka isla Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen fariisinka halkaas ay ku leeyihiin Ciidamada qaraxa lala beegsaday.

weerarka fool ka foolk ahaa oo mudda soday waxaa Ciidamada Hirshabeelle looga dilay 2 askeri waxaana laga furtay afar qori oo aake ah, Baasuuke iyo xabaddiisa iyo rasaas intaba,
isku darka askarta ku dhimatay weerarka iyo Qaraxa waa afar dhaawacuna waa afar laba Saraakiil tahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*