Maxaa Cusub

Al-Shabaab: “15 Askari Ayaan Kenya Uga Dilnay Weerarkii Duleedka Mandheera” Aqriso.

Xarakada Al-Shabaab iyo dowladda Kenya ayaa natiijo isku dhow kasoo saaray weerarkii maalintii shalay ka dhacay degaanka Dabasiti ee dhacay duleedka magaalada Mandheera kadib markii weerar jid gal ah loo dhigay askar Bolis ah oo halkaa ku socdaalayay.

Sarkaal ay soo xigatay idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in ugu yaraan 15 askari ay ku dileen weerarkaasi islamarkaana ay gacanta ku dhigeen saanad milatari.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta Nayroobi ayaa sheegay in weerarka looga dilay 12 askari lagana gubay 2 gaari oo nooca dagaalka ah.

Xaaladda dalka Kenya ayaa faraha ka baxday wixii ka dambeeyay sannadkii 2011 kii, xilligaasoo ay ciidamadooda kusoo duuleen dalka Soomaaliya, waxaana ay sannadkan billaabeen iney ka baxaan qaar kamid ah degaanadii iyo magaalooyinkii ay qabsadeen ee dalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*