Uncategorized

Daawo Vedio: Cabdi Qybdiid oo Markii Ugu Horreysay Tilmaamay Ujeedadii Gurigiisa Loo Weeraray.

Hogaamiye kooxeed hore, gudoomiyaha gudiga dastuurka ee golaha aqalka sare, xildhibaan Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay cidda weerartay gurigiisa iyo ujeedada loo weeraray.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in Imaaraadka iyo Nabad sugiddu si wada jir ah u fuliyeen weerarkii lagu qaaday gurigiisa oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xumo badan oo qoyskiisa lagu argagax galiyay.

Wuxuu sheegay in weerarkan looga dan lahaa in lagu khaarajiyo balse aysan suurto galin. Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in dhacdooyinkan noocan ah ay meesha ka saarayaan madax bannaanida wadanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*