Wararka Gudaha

Dowladda Itoobiya oo Tababar Muddo 15 Maalmood Ah Socday Usoo Gaba gabeysay Ciidamada Maamulka ‘Jubbaland’!.

Munaasabad ka dhacday magaalada Kimaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa lagusoo bandhigay ku dhawaad 150 maleeshiyaad Soomaali ah oo lagu tababaray gudaha magaaladaasi.

Saraakiil katirsan dowladda Itoobiya oo ka hadlay munaasabadda maleeshiyaadka lagusoo bandhigayay ayaa sheegay in tababarkan lasiiyay 150 askari oo gaar u ah maamulka Jubbaland ayna yihiin ciidamo loogu talagalay difaaca maamulka Axmed Madoobe.

Jeneraal Saxaradiid oo ku magacaaban  taliyaha ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ ayaa dowladda Itoobiya uga mahad celiyay ciidamada ay maamulkiisa utababartay wuxuuna Xabashida Itoobiya ku sifeeyay walaalo, arrinta xusidda mudan ayaa ah in tababarkan uu socday muddo 15 maalmood ah!.

 Dadka waxka yaqaan arrimaha melleeteriga waxay sheegayaan in 15 maalmood aan lagu laylin karin ciidan balse saraakiisha Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxayso Soomaalida ayaa khiyaanaya xataa kuwii dabadhilifyada u ahaa ee iyadu gumeysanaysay.
Ciidamo ka socda dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Kenya ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxayna dhibaata ku hayaan dadka shacabka ah, arrinta xusidda mudan ayaa ah in tababarka loosoo xiray ciidamada maamulka Jubbaland uu yahay mid aysan waxba ka ogeyn dowladda Federaalka oo Itoobiyaanku si gaar ah u wataan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*