Booliska Kenya ayaa sheegaya in kooxo aan heybtooda lagaran ay dileen Nin khabiir Mareykan ah oo caan ka ahaa gudaha wadanka Kenya iyo wadamada geeska qaaradda Afrika.
MeydkaEsmond Bradley Martinoo American ah ayaa laga helay gurigiisa oo kuyaal dacalka magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya inEsmond Bradley Martinuu u dhintay dhaawac kasoo gaaray qoorta kadib markii kooxo hubeysan ay weerareen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ninkaan Americanka ah uu caan ku ahaa u olololeynta xaywaanka duur joogta ee ugaarsiga kala kulmaya kooxaha qowlaysatada ah.
Wariyaal ayaa soo sheegay in falkan lagu eedeynayo kooxaha qaabka suuq madoowga ah uga ganacsada Foolka Maroodiga iyo Faanta Wiyisha sababtoo ah Ninkan ladilay ayaa dagaal dadban kula jiray ugaarsatada xayawaanaadka mamnuuca ka ah geeska qaaradda Afrika.
Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Mareykanka oo ku aaddan dilkaEsmond Bradley Martinoo warbaahinta reergalbeedku ay ku tilmaamtay Khabiir dhanka xayawaanaadka ah.
Sidoo kale lama oga in dilka Ninkan oo ku lug leeyahay arrima siyaasadeed, maalmihii lasoo dhaafay Kenya waxaa ka dhacayay fatqaladooyin dhanka siyaasadda ah.