Wararka Gudaha

24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay Maxaa Ka Dhacay Soomaaliya?

Markaan dhacdooyinka ka eegno hardanka iyo dagaalka ka socday Soomaaliya, waxaa 24-kii saac ee lasoo daafay dhacay weeraro gobollo kala duwan ka dhacay.

Gobolka Shabeelaha Dhexe

Shabeelaha dhexe haddaanu ku hormarno waxaa ka dhacay laba weerar oo lagu qaaday ciidamada Amisom iyo kuwa Hirshabelle.

Askar ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarka kowaad ku qaaday koontaroolka degaanka Qalimow oo u dhow degmada Balcad, halkaasoo ay ku dileen 2 askari.

Sidoo kale waxay habeenkii xalay ciidamada Al-Shabaab weerareen fariisin ay ciidamada BUrundi ka sameysteen degaanka Cali-fool-dheere oo u dhow degmada Mahadaay, waxaana weerarkaas askarta BUrundi looga gubay qeyb kamid ah xeradooda, maantana waxaa degaanka soo caga dhigatay dayuurad si ay u qaado meydadka iyo dhaawacyada Burundeyska.

Gobolka Bari

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii dagaal toos ah ku qaaday saldhigga Boliska ee magaalada Boosaaso, iyadoo si aad ah magaalada looga dareemayay dhawaqa hubka lagu weeraray xarunta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu weerarkan sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, dadka wax ku noqdayna uu kamid yahay taliye kuxigeena Boliska. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Gobolka Hiiraan

Duleedka magaalada Baladweyne waxaa ka dhacay dagaal kulul oo dhex maray ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Xabshida Itoobiya oo socdaal ku jiray. Waxaana xabashida dagaalkan looga gubay gaari uu ku rakibnaa qoriga Zuuga loo yaqaano.

Gobolka Shabeelaha hoose

Dagaal culus ayaa waxa uu degaanka Nambar 60 ku dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa shisheeye ee Amisom, dagaalkaas oo sababay in askarta Amisom ku fashilmaan socdaal ay saad ku gaarsiin lahaayeen saldhig kale, waxaana ugu dambeyntii lagu celiyay xerada Nambar 60.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*