Wararka Gudaha

Degdeg: Sarkaal Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Muqdisho.

Iyadoo wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin xaflado ka dhacaya madaxtooyada, ayaa waxaa dhacay weerar lagu dilay sarkaal ka tirsan DF.

Sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen rag hubeysan ayaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal dhanka ciidamada qaabilsanaa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Farxaan Xuseyn ayaa markii la dilay kadib waxaa meydkiisa qaaday ciidamo kale oo soo gurmaday, iyadoo raggii weerarkan fuliyay la sheegay iney baxsadeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*