Wararka Gudaha

Dhageyso: Al Shabaab Oo Heshiis Dhax Dhigtay Beelaha Xawaadle iyo Abgaal, Xal laga Gaaray Murunkii Ka Taagnaa Deegaanka Xalfooleey.

Waxaa lasoo gaba gabeeyay kulamo dib uheshiisiineed oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo sh/dhexe.
Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska dib uheshiisiinta xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa looga arrinsanayay colaadda soo noq noqotay ee u dhaxaysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Abgaal taas oo sababtay dhimashada boqolaal qof.

Mas’uuliyiin katirsan wilaayaatka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa kulanka ku sugnaa iyo sidoo kale waxgaradka iyo salaadiinta beelaha Abgaal iyo Xawaadle.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah waaliga Sh/dhexe iyo Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan waaliga Hiiraan ayaa khudbado ay ka jeediyeen madasha waxay ku sheegeen in xal buuxa laga gaaray khilaafkii deegaanka Xalfooleey oo ubuc u ahaa colaadda labada beelood u dhaxaysay.

¬†Guddi ka socday Xafiiska Dib Uheshiisiinta Xarakada Al Shabaab ayaa gaba gabadii kulanka warbaahinta u akhriyay go’aannadii lagaaray waxaana ugu muhiimsanaa in gabi ahaanba laburburinayo dhismayaasha iyo Baraagadaha kuyaal deegaanka Xalfooleey ee colaadda sababay.

Labada beelood ee walaalaha ah si simman ayay xoolahooda udaaqsan karaan dhulka deegaanka Xalfooleey balse lama ogola deegaameysi iyo oodashada beero ama goofaf.

Sidoo kale Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in labada qabiil ee walaalaha ay isdhaxgalaan islamarkaana ay ku walaaloobaan go’aamada dhaxalgalka ah ee soo baxay.

Nabadoonno u hadlay beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska lagaaray waxayna ballan qaadeen in ay u hoggaansamayaan go’aannada soo baxay

Halkan ka degso Khudbadihii laga Jeediyay Heshiiskii Xalfooleey 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*