Wararka Gudaha

Kenya oo Sababo Amni U Joojisay Gaadiidkii Isaga Kala Gooshi Jiray Nayroobi Iyo Mandheera.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay joojisay gaadiidkii dad weynaha ee isaga kala gooshi jiray Mandheera iyo Neyroobi kaddib markii ay kordheen weerarada ay Al-shabaab ka geysanayaan inta u dhaxeysa labada Magaalo.

Tani waxay saameyn ku yeelatay dadka sida maalinlaha ah u isticmaala wadada sida:- dad weynaha caadiga ah, ardayda, ganacsatada, maamulada rayidka ah, saraakiisha iyo ciidamada.

Ninka gudoomiyaha ka ah magaalada Soomaaliyeed ee Mandheera oo Kenyaati ah laguna magacaabo Fredrick Shisia ayaa sheegay in muddo saddex maalmood ah la hakiyay isu socdka dadka iyo gaadiidka ee labada magaalo isagoo sheegay in ay baaritaan sameyn doonaan mudadaas.

Dhawaan ayay ahayd markii duleedka Mandheera ay Al-Shabaab ku beegsadeen gaadiid ay wateen ciidamada Boliska, halkaasoo looga dilay 15 sida laga soo xigtay Al-Shabaab, inkastoo saraakiisha Kenya iyaguna ay dhankooda sheegteen in laga dilay 12 askari, lagana gubay labo gaari.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*