Wararka Gudaha

Saraakiil Ka Tirsan DF oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Labo sarkaal oo ka tirsan DF ayaa siyaabo kala duwan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho habeenkii xalay kuwaas oo subaxnimadii saaka la aasay.

Sarkaalka kowaad oo kamid ahaa Wasaaradda caafimaadka ayaa isbitalka ugu geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qarax maalintii shalay lagula beegsaday degmada Hodan, waxaana lagu magacaabi jiray Xirsi.

Sidoo kale waxaa isla magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Jeneraal Cali Max’med Cali oo (Cali Shariif) oo ahaa taliyaha ciidamada Taraafikada gobolka Banaadir.

General Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Janaraalka uu u geeriyooday xanuun muddo dhowr jeer ah looga soo daweeyay wadamo uu kamid yahay dalka Hindiya inkastoo uu ka gaabsaday nooca uu xanuunku yahay. Shariifka ayaa ahaa nin si weyn looga dhex garanayo ciidamada ammaanka ee dowladda isagoo horey usoo noqday taliye ku xigeenka ciidanka Biliska ee gobolka Banaadir.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*