Maxaa Cusub

Degdeg: 3 Sarkaal oo Ka Tirsan Nabad Sugidda oo Lagu Dilay Muqdisho.

War degdeg ah oo goor dhow kusoo dhaxay xaruntan war qabadka ee shabakadda Amiirnuur.com ayaa waxa uu sheegayaa in 3 sarkaal oo ka tirsan DF lagu dilay weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiishan oo kamid ahaa Nabad sugidda uu haleelay qarax weyn waxaana dhimashadooda wehliya kuwa kale oo dhaawac ah.

Halka uu qaruxu ka dhacay ayaa haatan waxaa isku gedaamay ciidamada dowladda, waxaana la kala daabulayaa meydadka iyo dhaawacyada sida uu inoo sheegay qof goob jooge ah.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*