Uncategorized, Wararka Gudaha

Degdeg: Mas’uuliyiin Ka Tirsan K/Galbeed Iyo H/Shabelle oo La Dilay Iyo Al-Shabaab oo SHeegtay.

War degdeg ah oo goor dhow kusoo dhacay war qabadka shabakadda Amiirnuur.com ayaa sheegaya in weerar ka dhacay nawaaxiga degmada Wanlaweyn lagu dilay mas’uuliyiin ka kala tirsan Hir-shabelle iyo Koofur galbeedka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax culus uu haleelay gaari ay saarnaayeen wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee K/galbeed iyo xildhibaan ka tirsan Hir-shabelle.

Labadan mas’uul oo kaalin weyn ku lahaa weeraray ciidamada Mareykanka Jan 19, 2018 ku qaadeen machad ku yaalla degaanka Jameeco Jiliyaale oo lagu dilay caruur kuwa kalana lagu qafaashay, ayaa waxa yar ka hor qaraxa ayaa waxay kasoo bexeen shir ka socday Ballidoogle oo uu qeyb ka ahaa Shariif Xassan, kaasoo looga arrinsanayay sidii loo furi lahaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba oo ciidamada shisheeye iyo dadka taabacsanba ay ku dhibanaayeen.

Wasiiru dowlaha amniga oo lagu magacaabo C/aadir C/raxmaan “Baraf” iyo xildhibaanka oo aanan wali magaciisa helin ayaa waxay ahaayeen dadka sida gaarka ah loogu xil saaray iney ha shaqeeyaan abaabulka wado furista.

Xarakada Al-Shabaab, waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay labadan mas’uul. “Mujaahidiinta ayaa maanta gelinkii dambe qarax ka dilay saraakiil katirsan Murtadiinta oo garoonka Balidoogle kasoo abaabulay weerarkii lagu qaaday deegaanka Jamaaco Jilyaale,alle ayaa ku mahadsan nagu guuleeyay howlgalkan Barakeysan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Labadooda waxaa la dhintay labo askari oo kamid ahaa ilaaladooda iyadoo weerarka lagu qaaday loo adeegsaday qarax dhawaqiisa laga maqlay meel fog fog.

 

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*