Wararka Gudaha

Sarkaal Iyo Askari Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan DF ayaa caawa fiidkii lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho kadib markii ay rag hubeysan ku qaadeen weerar qorsheysan.

Sarkaalkan ayaa waxaa la toogtay xilli uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn bar ay askartu deganaayeen waxaana laga qaatay qori uu siday sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Sidoo kale waxaa maanta degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Xasilinta. Rag hubeysan ayaa toogtay kadibna waxay isna ka qaateen qorigiisii.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah ugu xooggan weerarada ka dhan ah DF iyo ciidamada Amisom. DF ayaa waxay qabatay shirar badan oo looga hadlayay amniga, laakin waxaa muuqanaya inaaney waxba kasoo naasa caddaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*