Wararka Gudaha

Dagaallo Caawa Ka Dhacay Baraawe Iyo Garbahaarey.

Ciidamada milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay caawa weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Amisom ku leeyihiin isgoyska Ambareeso oo ku dhow magaalada Baraawe iyo fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Garbaarey.

Haddaan ku hormarno Baraawe, waxaa weerar toos ah lagu qaaday askarta Uganda iyadoo uu dagaalku socda muddo qiyaastii saacad barkeed ah, waxaana la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee Gedo ayaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada DF ku leeyihiin degmada Garbaarey.

Weerarkan oo isna ahaa mid kulul ayaa waxay dadka degaanka sheegayaan in uu kusoo aaday xilli uu Garbaarrey ka socday kulan looga hadlayay amniga.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay labada weerar.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*