Wararka Gudaha

Sarkaal Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Weerar Dhabba Gal Ah oo Ka Dhacay Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa saacado ka hor weerar dhabba gal ah ku dilay sarkaal ka tirsan DF.

Kamiinka ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda kaxda iyadoo si gaar ah loo beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada dowladda federalka ah.

“Walaalow shabaab ayaa rasaas ku harqiyay gaari ay saarnaayeen askar iyo sarkaal lagu magacaabo Maxamad Xaduur kuna magac dheeraa Alxan waxaana aan hubaa kolley geerida sarkaalka, dabcan khasaare kalana wuu jiraa sida aan qiyaasi karo” sidaasi waxaa yiri goob jooge.

Shalay ayay ahayd markii isla xaafadda Kacxa lagu dilay sarkaal ka tirsan DF kadib markii si gaadmo ah loo beegsaday kadibna laga qaatay qorigii uu watay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*