Wararka Gudaha

Degdeg: Al-Shabaab oo Habeenkii Sadaxaad Caawa Baraawe Ku Weeraray Ciidamada Uganda.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa dagaal kulul ku qaaday askarta Uganda ee ku sugan degmada Baraawe iyadoona hubka la isku adeegsaday laga maqlay degaano badan.

Weerarka oo bilowday abaaro sideedii fiidnimo ayaa kusoo dhawaada sagaalkii fiidnimo, lamana hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ka dhashay maadaama xilliga uu dhacay uu habeen yahay.

Arrinta cusubse waxa ay tahay in ciidamada Amisom ay caawa qufeen madaafiic aad u tira badan iyadoo tani lagu macneeyay in uu khasaare gaaray islamarkaana xaaladdu ku adkaatay.

Madaafiida oo ku dhacayay meelo ka fog halka lagu dagaalamay ayaan illaa iyo hadda lasoo sheegin iney khasaare u geysteen dadka tuulooyinka ku dhaqan iyo kuwa xoolahooda ku daajisanaya duurka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*