Wararka Gudaha

Mareykanka oo jubbooyinka Ku Duqeeyay Ganacsade Caan Ah.

Dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa waxay wali Soomaaliya kasii wadaan weerarada ka dhanka ah dadka shacabka ah.

Maanta waxay meel u dhow degmada Kamsuuma ee wilaayada Jubbooyinka ku duqeeyeen gaari uu la socday ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Yacquub Jhon.

Yacquub ayaa wuxuu ahaa milkiilaha Ceelka biyaha siiya magaalada. Idaacadda Al-furqaan ayaa sheegtay in mar ay la xiriirta Yacquub uu u sheegay inuu ka badbaaday duqeynta laakin uu gaarigiisii ku gubtay isaguna uusan awoodin inuu wareysi bixiyo sababo caafimaad awgood.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya waxa ay Mareykanku ku duqeeyeen ganacsadahan oo aan xitaa lahayn magacyada ay Al-Shabaab baxsadaan. Dhacdadan ayaa lamid ah tii Bariire, tii Mubaarak, Tii Sheekh Axmad Yare iyo kuwii lamidka ahaa ee uu Mareykanku ku gumaaday dad abriyo ah oo aanan waxba galabsan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*