Wararka Gudaha

Ku Dhawaad 10 Askari oo Amisom Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Sh/hoose.

Dagaal ayaa waxa uu maanta ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Amisom ku dhex maray gobolka Shabeelaha hoose kaasoo lasoo warinayo inuu sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo hanti intaba.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom ay Xarakada Al-Shabaab kala kulmeen weerar jid gal ah, xilli ay marayeen degaanka Ceel-wareegow oo u dhow magaalada Marko.

Amisom ayaa waxaa dagaalka looga gubay gaari gaashaaman oo Taw ah iyadoo sidoo kale laga dilay ugu yaraan todobo askri sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Amisom ayaa isku dayay iney jiitaan gaariga laga gubay balse wey ku adkaatay maadaama ay xabbad ku socotay, waxaana ay ku khasbanaadeen iney dib ugu ruqaansadaan dhanka Nambar 50.

Ciidamada Amisom ayaa wajahaya dagaal adag oo ay kala kulmayaan Xarakada Al-Shabaab. Madaxda Amisom waxay mar walba warbaahinta ka sheegayaan iney ka baxayaan Soomaaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*