Wararka Gudaha

Degdeg: Khasaare Culus oo Ciidamo Huwan Ah Lagu Gaarsiiyay Nawaaxiga Basra.

Wararka ka imanaya degaanka Basra oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan sadax weerar oo dhabba gal ah loo dhigay ciidamo isugu jira Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo la socday.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in gaari gaashaaman ciidamada Mareykanka laga gubay iyadoo sidoo kale ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray askartaasi Mareykanka iyo kuwii la socday.

Weerarada ay la kulmeen ayaa dhammaantood ahaa kuwa aaney iska jirin oo dhabba gal ah, waxaana jirta in weerar walba ay khasaare kala kulmayeen.

Ciidamadan oo maalmahanba ku sugnaa degaanka Basra ayaa warar hoose oo aan la xaqiijin sheegayaan iney doonayeen iney dib ugu laabtaan degmada Afgooye.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*