Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Si Buuxda Ula Wareegay Degaanka Basra.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo tiradoodu aad u badan tahay ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degaanka Basra oo dhaca inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Ciidamadii huwanta ahaa ee maalmahanba ku sugnaa ayaa isaga huleelay degaanka, waxaana durbadiiba gudaha u galay Al-Shabaab iyadoo dad goob joog ah ay inoo sheegeen in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay meel fagaare ah kala hadleen bulshada una sheegeen iney hadda wixii ka dambeeya xaaladdu nabad tahay maadaama huwantii ay baxday.

Ciidamadan oo isugu jiray Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo uu hor kacayay Janaraal Caanood ayaa intii ay sii socdeen la kulmay afar weerar oo dhabba gal ah, inta la xaqiijiyayna waxaa laga gubay laba gaari oo ay midi Ameerikaanku leeyihiin halka sidoo kale khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ay la kulmeen.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*