Maxaa Cusub

Saraakiil Ka Kala Tirsan DF iyo Puntland oo Lagu Dilay Afgooye Iyo Gaalkacyo.

Sarkaal ka tirsan DF ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kadib markii ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in aanan la garan qaabka uu ku dhacay dilka, balse waxay xaqiijiyeen in mar qura la maqlay rasaas kadibna loo tagay isagoo geeriyooday, dadkii dilayna aysan goobta joogin.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Nuur Maxamad Cali kuna magac dheeraa (Nuur Shinni) ayaa horey usoo noqday taliye ku xigeenka sirdoonka ee degmada Wardhiigley, haddana waxa uu kamid ahaa saraakiisha dowladda ee degmada Afgooye.

Sidoo kale waxaa wuqooyiga magaalada Gaalkacyo habeenkii xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Puntland kaasoo lagu magacaabi jiray Rooble, waxaana la sheegay inuu qaabilsanaa la dagaalanka indho shareerka ay dumarka qaataan.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*