Wararka Gudaha

Qarax Ka Dhacay Baraawe Iyo Dagaal Ka Dhacay Meel U Dhow Golweyn.

Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa wuxuu maanta marti galiyay weeraro ka dhan ah ciidamada shisheeye ee Amisom iyo maamulka degmada Baraawe.

Haddaan ku horumarno Baraawe, waxaa galabta ka dhacay qarax meel isu imaatin ah oo ay ka dhacayeen barnaamijyo loogu dabaal degayay 12 April oo lagu sheego maalinta ciidanka.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu sababay khasaarooyin kala duwan, inkastoo aanan wali ka helin faahfaahin dheeri ah. Sidoo kale dagaal ayaa maanta ciidamada Xarakada Al-Shabaab, iyo kuwa Amisom, ku dhex maray inta u dhaxaysa degaanada Danow iyo Golweyn.

Milatariga Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay kolonyo shisheeyaha ah, kadibna waxay xaajadu isku bedeshay dagaal toos ah. Ciidamada Amisom ayaa waxaa dagaalkan lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyeed intaba.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*