Wararka Gudaha

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in rag ay khaarijiyeen mas’uul katirsanaa maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka Puntland qeybta gobolka Mudug.

“Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in howlgal ay mujaahidiintu ka fuliyeen waqooyiga Gaalkacyo ay ku khaarijiyeen Xisaabiyihii dowladda Hoose dhanka maamuliyadda Maamulka Dabadhilifka Puntland isku magacaabay ee Cabdi wali gaas madaxda ka yahay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Saraakaalka ladilay ayaa ahaa Xisaabiyihii dowladda Hoose ee Mudug waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan.

Saraakiisha Maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa dhankooda xaqiijiyay in sarkaalka ladilay uu dhaawac culus soo gaaray balse markii lageeyay isbitaalka Mudug uu u dhintay dhaawacii soo gaaray, rasaasta ayaa Axmed Deeq Cali lagala eegtay qeybaha sare ee jirkiisa taas oo sababtay in uu dhinto.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in raggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, ma ahan markii ugu horraysay oo weerar dil ah uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, Al Shabaab ayaa sidaan oo kale saraakiil sarsare oo katirsan maamulka Cabdi Wali Gaas iyo odayaal dhaqameedyo xiriir laleh maamulkaas ugu khaarijiyay Gaalkacyo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*