Wararka Gudaha

Saraakiil Amisom Iyo Caddaan Ah oo Lagu Weeraray Sh/hoose Iyo Sarkaal Lagu Dilay Muqdisho.

Kolonyo gaadiid ah oo galbinayay saraakiil caddaan ah iyo kuwa Amisom ka tirsan ayaa maanta lagu beegsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Kolonyada oo kasoo baxday degaanka Buulomareer, ayaa waxay kusii jeeday Muqdisho, waxaana laga gubay hal gaari iyadoo ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkii saarnaa.

Gaariga ayaa waxaa la kacay qarax aad u xoogan sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah iyo ilo lagu kalsoon yahay. Ciidamada Amisom ayaana muddo ku hawlanaa uruurinta meydadka iyo dhaawacyada dadkii saarnaa gaariga oo aan la faah faahin darajooyinkooda.

Sidoo kale, caawa waxaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho lagu dilay madixii dadmbi baarista ee degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Xassan Dheere.

Rag hubeysan ayaa la xaqiijiyay iney ka dambeeyeen dilka sarkaalkan, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*