Wararka Gudaha

Dhageyso Taliska Xalane oo Soo Saaray Digniin Dhanka Ammaankooda Ah.

Xerada Xalane oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay shisheeyuhu qabsadeen ayaa waxaa maanta laga dareemayaa baqdin iyo dareen ka duwan midkii hore.

Taliska guud ee heysta xerada ayaa soo saaray digniin dhanka ammaanka ah iyagoo xadiday dhaqdhaqaaqii xerada, sidoo kalana ciidamada Amisom, u diiday iney gudaha u galaan.

Xerada ayaa waxa kale oo maanta loo diiday iney galaan dadka dowladda ka tirsan ee farriimaha madaxda iyo golayaasha geeya xerada, waxaana arrintan loo sababeeyay baqdin laga qabo weeraro dhiig badan ku daato oo uga yimaada Xarakada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray xerada iyagoo ku dilay saraakiil kaalin weyn ku lagaa duullaanka Soomaaliya, oo ay ugu horreeyaan Mareykan iyo reer Yurub.

Xuquuqda Codka Waxaa Leh Idaacadda Islaamiga Ah Ee Al-furqaan.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*