Wararka Dibadda

Faransiiska oo Qabanaya Shir Ka Dhan Ah Xawaaladaha Muslimiinta Caalamka.

Dalka Faransiiska, ayaa wuxuu maanta oo Talaado, ah marti galinayaa shir caalami ah oo ujeedadiisu tahay sidii culeys loo saari lahaa xawaaladaha muslimiinta, gaar ahaan lacagaha loo diro dalalka islaamka.

Shirkan oo loogu magac daray “La dagaalanka maal galinta argagixisada” ayaa waxaa la qorsheeyay inuu socdo muddo laba maalmood ah, halkaasoo khudbado laga jeedin doono.

Sida ay shaaciyeen war baahinta dalka Faransiiska, waxaa shirkan ka qeyb galaya in ka badan 70 dal, waxaana halkudheg guud looga dhigay la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Reer galbeedka iyo xulufadooda ayaa sannadihii ugu dambeeyay juhdi ku bixinayay dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee ku wajahan muslimiinta, taa badalkeedana waxay ay boobayaan kheyraadkooda.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*