Uncategorized, Wararka Dibadda

Trump oo Sheegay Inaaney Dowladaha Carabta Todobaad Jiri Karin Mareykanka La’aantii.

Madaxweynaha dalka Mareyka Donel Trump, ayaa si aad ah u liiday mar kale madaxda xukaamta carabta xilli uu shir jaraa’id ku qabanayay dalka Faransiiska.

Shirkiisan jaraa’id oo ahaa mid uu ku wehliyo ra’iisulwasaaraha dalka Faransiiska, ayaa waxa uu si cad ugu sheegay in dowladaha carabtu yihiin kuwa ku dhisan Mareykanka awoodiisa.

Wuxuu kala meel dhigay hilib meel dayacan yaalla oo haadda laga ilaalinayo, isagoo si cad u sheegay inaaney dowladaha Khaliijku sii jiri karin hal todobaad, haddii uusan Mareykanku taageerin.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu muujiyay baahi dhaqaale oo ku saabsan sidii ay ciidankooda ugala bixi lahaayeen wadanka Suuriya, waxaana hadalkiisa laga dhadhansanayay in dhaqaalaha ciidamadaasi ku baxaya uu ka doonayay dowladaha carabta.

Intaasi kadib, Trump, ayaa ugu baaqay in ay madaxda Carabta bixiyaan dhaqaalaha uu Mareykanku ka doonayo. Haddaba sida muuqata madaxdii carbeed ayaa sidaasi xaalkoodu yahay, sidaa darteed maxaad is leedahay xaalka madaxda “DF” iyo kuwa Soomaaliya laga sameeyay ee maamul goboleedyada ah?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*