Wararka Gudaha

Al-Shabaab Weerar Culus Ku Qaaday Askarta Kenya Ee Heysta Buusaar.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii hore weerar culus ku qaaday xerada ay ciidamada Kenya ka deggan yihiin degaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Wararka ka imanaya Buusaar ayaa sheegaya in la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud iyadoo dagaalku uu ahaa mid kulul oo aanan waayadan ka dhicin halkaas.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo maanta Al-Shabaab ay weeraro dhowr ah ka geysteen gobollo ay kamid yihiin Jubada hoose iyo Bay halkaasoo ay ku dileen in ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koofur galbeed iyo Jubbaland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*