Maxaa Cusub

Daawo Sawirada Beeraleydii Uu Xalay Mareykanku Ku Duqeeyay Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad Drone ah ay ku dhinteen dad shacab ah.
Xalay Fiidkii ayaa jug culus laga maqlay dhul beereedka dhanka Koonfur Bari uga beegan deegaanka Daaruslaam.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan sedax qof shacab ah ku dhinteen duqeynta oo ay fulisay diyaarad aan duuliye laheyn nuuca loo yaqaan Drone-ka. Dadka ladilay ayaa xilligii ay duqeyntu dhacaysay waxay ku mashquulsanaayeen waraabinta beer ku dhow Daaruslaam, Meydadka shacabka Rayidka ah ayaa saaka lagasoo aruuriyay dhul beereedka duqeyntu ka dhacday.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in goobta duqeyntu ka dhacday aysan aheyn tuulo ama degmo ay kuyaallaan saldhigyo ciidan waana dhul beereed ku teedsan wabiga Jiinkiisa.

Dowladaha Mareykanka ayaa sare uqaadday xasuuqa ay ku heyso shacabka Soomaalida iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo maleeshiyaadka calooshood u shaqeysatayaasha Bangaraafta loo yaqaan, bilo ka hor ayay aheyd markii 11 qof ah ay ciidamada Mareykanku ku xasuuqeen deegaanka Bariire.









Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*