Wararka Dibadda

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Pakistaan oo ku dhaawacmay Isku day dil oo lagu doonayay.

Dalka Pakistaan ee dhaca qaaradda ASIA ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda wadankaas uu ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay.

Axsan Iqbaal oo ah wasiirka arimaha gudaha ee Pakistaan ayaa isagoo ku sugan gobolka Bunjaab, waxaa rasaas ooda uga qaaday rag aan la aqoon heebtooda, kuwaas oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Dhaawaca wasiirka soo gaaray ayaa la sheegayaa inuu yahay inuu fuduyahay, balse waxay rasaastu ka haleeshay caloosha iyo gacanta.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Pakistaan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday iney ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen nin lagu tuhmayo inuu qeyb ka ahaa isku deyga lagu doonayay in lagu khaarijiyo wasiirka arimaha gudaha.

Wasiirka ayaa hadda lala tacaalayaa xaaladiisa caafimaad, iyadoona mas’uuliyiin iyo xubno katirsan dowladda Pakistaan ay isbitaalka ku booqdeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*