Wararka Gudaha

Xukun Xaddu Rajmi ah Oo ka dhacay Shabeellaha hoose.

Fagaare ku yaalla degmada Sablaale ee Wilaayada  shabeelaha hoose ayaa maanta barqadii waxaa ka dhacay xukun  rajmi ah oo lagu fuliyay haweenay Lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Warsame.

Xukunka Rajmiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa boqolaal dadweynaha degmada kamid ah.

Shukri Cabdullaahi oo 30 jir ahayd ayaa guursatay 11 nin, waxaana ka dhintay hal nin mid kalana wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah xaas ugu ahayd 9 Nin oo kala duwan, sida lagu sheegay xukunka Maxkamada Islaamiga ah

Waxa ay ahayd hooyo leh 8 caruur ah oo todobo kamid ah ay udhashay ninkii ugu horeeyay ee waalidkeedu ay siiyeen laguna ogaa.

halka cunuga sideedaad ay dhashay intii ay u dhaxaysay raggan kala duwan.

Shukri ayaa waxaa isku qabsaday laba nin oo mid kasta uu ku dooday inay xaas u ahayd, waxaana markii danbe soo baxay raggan kale oo iyaguna sheegtay in shukri ay iyaga udhaxday ayna xaas u tahay

Mid kamid ah qudaada xarakada shabaabul mujaahidiin oo xukunka riday ayaa goobta ka sheegay in Shukri Cabdullaahi ay qiratay eeda loo soo jeediyay.

Xaalada caafimaad ee Shukri ayaa ahayd mid wanaagsan  sida uu sheegay qaadiga xukunka ku dhawaaqay.

Maxkamadaha  Islaamiga ah ee ka dhisan Wilaayaatka Dalka Soomaaliya ayaa inta badan soo saara isla markaana fuliya Axkaamta Shareecada Islaamka, arintaas oo hirgelinteeda ay aad uga caroodaan Wadamada iyo Hay’adaha Gaalada ah, balse ay ku laabqaboowsadaan dadka Muslimiinta ah ee mudada aadka u dheer ku taamayay inay arkaan Sharciga Allaah oo dhulka lagu maamulayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*