Wararka Gudaha

Faah Faahin: Ciidamo Mareykan Ah Oo Shacab Ku Xasuuqay Duleedka Afgooye.

Xalay saqdii dhexe ayay ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah weerar ku qaadeen tuulo dhacda duleedka degmada Afgooye ee Sh/Hoose halkaas oo ay ka geysteen xasuuq daran.

Wararka ka imaanaya deegaanka Macallinka oo u dhaxeeya Bariire iyo Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka ay ku dileen illaa iyo 5 qof oo shacab ah halka sedax kale ay dhaawaceen.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay xalay aabara 2:00 ay weerareen dad beeraley ah oo xilligaas Nuucyada kala duwan ee Khudaarta udaabulayay dhanka degmada Afgooye.

Dadka lalaayay ayaa gaariga Cagaf Cagafta loo yaqaan ku waday khudaar balse ciidamo watay dhowr diyaaradood ayaa ku degay deegaanka Macallinka oo ah halka khudaarta ay kasoo daabulayeen dadka la xasuuqay.

 Dad ka badbaaday xasuuqii ciidanka American-ka  ay geysteen ayaa sheegay in cagaf cagaftii khudaarta sidday oo ay hareeryaallaan Meydadka 5 qof saaka lagu arkay deegaanka Macallinka, dhaawaca shacabka ayaa gaaraya 10 qof halka dadka ay qafaasheen lagu sheegay 7 qof oo dhammaantood ahaa beeraleey.

Meydadka dadka shacabka ah ayaa qeybaha sare ee jirka waxaa uga yiillay rasaasta qoriga M16-ka oo ay isticmaalaan ciidamada dowladda Mareykanka, maadaama lagu guda jiro xilli roobaad oo Wabiga Shabelle uu ku fatahay dhul beereedka Khudaarta soo saara ayaa xilligaan oo kale soo daabulidda dalagyada waxaa loo adeegsadaa gaadiidka Cagaf Cagafta oo awood uleh in ay dhax jiiraan dhiiqada.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo Caddaan ah xasuuq ka geystaan duleedka deegaanka Bariire ee Sh/Hoose, sanaddii lasoo dhaafay ayay ciidamada Mareykanka 12 qof shacab ah ku dileen beeraha deegaanka Bariire.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*