Wararka Gudaha

Oday Dhaqameed Wada Shaqeyn Dhow La Lahaa DF oo Muqdisho Lagu Dilay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada maamulka Hir Shabelle ku matalaya DF.

Oday dhaqameedkan ayaa wararku sheegayaan in lagu toogtay suuqa Bakaaraha xilli uu socdaal ku jiray, waxana dilkiisa sheegatay Xarakada Al-Shabaab sida laga soo xigtay idaacadda Andalus.

Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jray Xassan Jaciir ayaa la sheegay inuu maalmahan aad ugu mashquulsanaa uruurinta ciidamo ilaalo u noqday xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Qamar Faarax Dhaga-weyne taasoo uu isagu markii hore soo xulay.

Sidoo kale Xassan ayaa dhowr jeer ciidamo ku biiriyay dowladda federalka ah, saasoo ay tahayna ma jiro mas’uul dowladda ka tirsan oo ka tacsiyeeyay dilkiisa.

Ugaarsi xawaare sare ku socda ayaa lagu hayaa odayaashii soo xulay xildhibaanada kuwaasoo horey isaga indha tiray digniin kasoo baxday Xarakada Al-Shabaab, waxaana qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ay horey dowladda ugu eedeeyeen iney dayacday ammaanka odayaashaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*