Wararka Gudaha

Farriinta Filimka Buuraha Goolis & Fashilka Maamul Goboleedyada [Faallo+VIDEO].

Fiidnimadii Talaadada oo taariikhdu ku beegneyd 28/08/1439 hijriga oo waafaqsaneyd 14/05/2018, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahiyey filim si xirfad leh oo qurux badan loo diyaariyey oo ay kaga sheekeynayaan midka ka mid ah jabahaadkooda dagaalka.

Filimka ayaa ka faalloonaya guuto lagu magacaabo Liwaa Al-Qudus oo ah Jabhadda ka dagaalameysa Buuraha Goolis ee hortaagan maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Puntland.

Wuxuu filimku soo tabinayaa dhinac ka mid ah noloshooda, himadooda iyo howlgallada ay ku beegsanayaan ciidamada maamulka ‘Puntland’ ee saldhigyada ku leh gobolka.

Yoolkeygu ma ahan in aan ka sheekeeyo filimka waxa ku jira gudihiisa sababtoo ah dadka badankoodu wey daawadeen filimka, qofkii aan weli aragna wuxuu ka daawan karaa halkaan balse waxaan doonayaa in aan bidhaamiyo wakhtiga uu ku soo aaday filimka, farriimaha uu xambaarsanyahay iyo waxa laga filan karo awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Soomaaliya sanadaha soo socda.

 Weerarkii Af-Urur.

Weerarka ugu xoogan uguna saameynta badan ee aan ku daawaday filimka ay baahisay Al-Kataa’ib waa duullaankii aroornimo ee dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Af-Urur 13-kii bishii Ramadan 1438, kaas oo lagu dilay in ka badan 80 askari laguna furtay hub, agab military iyo gaadiid dagaal.

Madaxweynaha maamulka ‘Puntland’ Cabdi Wali Gaas iyo Waziirkiisii amniga ee xilligaas Cabdi Xirsi Cali, labduba xilligaas waxay inkireen khasaaraha lixaadka leh ee ciidankooda ka soo gaaray weerarka, waxayna askarta la laayey ku tilmaameen dad rayid ah.


Filimkan qudhiisa waxaa kasoo muuqanaya Cabdi Xirsi Cali oo ciidamada maamulkiisa ee la laayey ku tilmaamaya dumar, carruur iyo waayeello, waxaana hadalkiisa dul saaran meydadka askarta la laayey oo waran difaacyadooda.

Maamulka Cabdi Wali Gaas weli wuu ka gaabsanayaa inuu faahfaahin dhab ah ka bixiyo xasuuqii ciidankooda loogu geystay deegaanka Af-Urur.

Wakhtiga uu filimku ku soo aady.

Filimku wuxuu yimid maalin uun ka dib markii magaalada Baydhabo uu shir uga furmay madaxda maamul-goboleedyada kaas oo diiradda lagu saarayey fashilka iyo guuldarada ku heysata dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.




Maamulladan oo kaashanaya kumanaan ciidamada shisheeye ah oo ku soo duullay wadanka ayaa dhamaantood ku guuldareystay ka hortagga iyo soo afjaridda awoodda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku bixinayeen dadaallo naf iyo maalba leh, waxayna sanadihii ugu dambeeyey lagu jabiyey xeeladaha dagaal ee ay fagaaraha la timid Xarakada Al-Shabaab.

Weerarka maleeshiyaatka Cabdi Wali Gaas ku qabsatay Af-urur waxaa ka horeeyey dharbaaxooyin isdaba joog ah oo ay la kulmeen maleeshiyada maamulka Axmad Madoobe kuwaas oo lagu xasuuqay weeraradii ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadday saldhigyadii Buula-Gaduud iyo Balad-Xaawo kuwaas oo lagu dilay askar fara badan.

Muuqaallo ay baahisay Al-Shabaab oo laga soo duubay saldhigyada Buula-Gaduud iyo Balad-Xaawo ayaa muujinayey sida Al-Shabaab ay cagta u marisay boqolaal maleeshiyaat ah oo daganaa saldhigyadaasi.

Labadan weerar oo dhacay wakhtiyo aad isugu dhow ayaa lagu jabiyey carcarta maleeshiyaatka maamulka ‘Jubbaland’ oo laga lahaa rajo ah in ay isku filnaan karaan, Al-Shabaabna ka difaacan karaan deegaankii loo qabto.

Wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa goor sii horreysay maleeshiyaatka ‘Jubbaland’ tilmaamay “ciidamada kaliya ee isku filnaan kara bixitaanka AMISOM kadib, lana wareegi kara mas’uuliyada ammaan ee wadanka” balse weeraradii Balad-Xaawo iyo Buula-Gaduud ayaa baabi’iyey rajo badan oo laga qabay maleeshiyada maamulkaasi.

Wadada Jowhar iyo Muqdisho.

Maamulka Curdunka ah ee‘HiirShabelle’ ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdi Awaare ayaa isna bilooyinkii dambe bartilmaameed joogta ah u noqday dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaas oo silsilado weeraro ah oo si gaar ah u beegsanaya isu socodka ciidamada iyo madaxda ee wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Wadadan halbowlaha ah oo ahayd mida kaliya ee u furneyd maamulkan iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan gobolka ayaa gabi ahaanba xirantay sanadkan kadib weeraro soo noq-noqday oo lagu qaaday saldhigyada ciidanka iyo kolonyooyinka ciidamada iyo madaxda ee isticmaalaya wadada.

Horaantii bishii Maarso ee sanadkan, Al-Shabaab waxay cagta marisay Kolonyo ciidamo Burundi oo ku socdaalayey wadadaas, iyadoo sidoo kalena muddo saacado kooban ah la wareegtay degmada Balcad.

Saraakiisha iyo madaxda maamulka ayaa hadda adeegsada diyaarado marka ay doonayaan in ay u safraan magaalada Muqdisho oo wax aan ka badneyn 90km u jirta xarunta maamulkooda oo ah Jowhar.

Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur-Galbeed ee uu madaxda ka yahay Shariif Xasan ayaa isna ka duwaneyn maamulada aan ka soo sheekeynay, waxaana Shariif Xasan qudhiisa uu horay u sheegay in Al-Shabaab ay go’doomisay magaalooyinka uu ka taliyo maamulkiisu, safarkuna uu ku soo koobmay mid hawada ah.

“Wiilal yaryar oo qoryo AK47 ah heysta ayaa dadka wadada u diiday, anaga iyo maamulkeena diyaarado ayaan ku safarnaa, markii aan fiiriyey [xaalada aan ku jirno] waxaan dhihi karnaa dhulka waxaa heysta Al-Shabaab, anaguna hawada ayaan heysanaa” sidaas waxaa yiri Shariif Xasan xilli uu ka hadlayey shir sanadkii la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen maamul-goboleedyada iyo DFS.

Waxaadba mooddaa in Al-Shabaab ay xeelado adag u maleegtay maamul goboleedyadan dabadhilifyada ah ee ay dhisteen Kenya iyo Itoobiya sababtoo maamul waliba waxay ku fureen jabhad adag oo isku filan oo aanan wax gurmad iyo kaalma ah kaga baahneyn jabhadda deriskeeda ah.

Culeyska military ee ay xarakadu saarto mid ka mid ah maamuladan lagama dareemayo furimaha kale ee lagu hor fadhiyo maamul-goboleedyada kale, waana taas mida halgankooda ka dhigtay mid isku dheeli tiran oo si isku mid ah u beegsanaya ugu yaraan lix maamul oo ku tiirsan awoodda shisheeyaha.

Farriinta uu xambaarsan yahay.

Farriinta ugu weyn ee uu xambaarsan yahay filimka waa in uu yimid xilli madaxda maamulada dabadhilifyada ah ee dagaalka kula jira mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku shirayeen magaalada Baydhabo iyagoo ka arrinsanaya guuldarrooyinka military iyo kuwa siyaasadeed ee ay wajahayaan maamuladooda taagta daran.

Wuxuu sidoo kale gudbinayaa farriin ah in awoodda Al-Shabaab ay ka gudubtay xilligii lagu taamayey in la soo afjaro ama lagu soo koobo dhul gaar ah oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Fariinta saddexaad ee uu gudbinayo ayaa ah taagdarada maleeshiyaatka maamul-goboleedyada iyo in aanu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya askariga dhufeyska kaga jira Kismaayo iyo midka taagan Boosaaso iyo midka jooga Baydhabo, dhamaantoodna ay yihiin kuwa taagdaran oo aanan isku filnaan karin haddii ay baxaan ciidamada Shisheeye.

Muuqaalkan wuxuu sidoo kale rajo beel ku ridayaa taliska AMISOM iyo awoodaha reergalbeedka ee taageera kuwaas oo damacsanaa in ay soo afjaraan howlgalkan dhiigga iyo dhaqaaluhu kaga baxay ee ku sii daba dheeraaday.

Waxaa hubaal ah in AMISOM ay hadda la mucaamileyso awoodda Al-Shabaab oo ka adag kana xoog badan sidii ay ahayd 2007 markii ciidamada Shisheeye ay soo galeen wadanka.

Awoodda Al-Shabaab Ee Waqooyiga

Muuqaalka ay Al-Shabaab ay ka keentay Buuraha Goolis oo ahaa qeybtii 5aad ee Filimaan ay ugu magacdareen “Furimaha Sharafta Leh” kama faalooneyn kaliya dagaalka Af-Urur iyo weeraro lagu qaaday ciidamada ‘Puntland’ balse wuxuu sidoo kale soo bandhigay awoodda ciidankooda ee waqooyiga Soomaaliya oo ah mid aanan la dhayalsan karin.

Xeeladda loo adeegsaday weerarkii Af-urur waa isla middii loo adeegsaday weeraradii lagu qaaday xeryaha ciidamada AMISOM ee koonfurta Soomaaliya, halka sidoo kale tirada ciidamada ee qaaday weerarkii Af-urur aysan ka yareyn raggii fuliyey weeraradii Jannaale, Ceel-Cadde iyo Kulbiyow.

Qof waliba oo daawada muuqaalkan cusub wuxuu si cad u dareemayaa in Al-Shabaab ay hormar ballaaran ka sameysay Jabhadda Goolis, kuna xoojiyeen ciidamo dheeraad ah.































Inkastoo jabhadan ay ka dagaalamayso dhul adag oo marka si loo eego ku jira xaalad go’doon u dhow, haddana waxaa cajiib ah in ay heystaan noocyada kala duwan ee hubka lagama maarmaanka u ah dagaalada loo yaqaano Xarbul Cisaabaatka.

Waxaa filimka lagu soo bandhigayaa iyagoo qaraxyo la beegsanaya gaadiidka ciidamada ‘Puntland’ madaafiicna ku garaacaya xeryaha ciidanka sidoo kalena cagta marinaya saldhigyada maleeshiyaatka taas oo kuu muujineysa in ay yihiin ciidan adag oo isku tashtay.

Halkan Ka Daawo Filimka oo Carabi ah

W/Q: Suldaan Cabdil Majiid

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*