Maxaa Cusub

Dhageyso Hogaamiyaha Hir-Shabelle oo Ka Hor Yimid Dagaalka Uu Ku Dhwaaqay Farmaajo.

Maxamad Cabdi Waare oo ah madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyay dagaalka uu ku dhawaaqay Farmaajo iyo qaabka ay dowladdu u qorsheysay.

Isagoo ka khudbeynaya magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dagaaladii ka dhacay Basra iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wuxuu sheegay in aysan isku niyad iyo isku qorshe ahayn ciidamada uu Farmaajo soo diray ee uu hogaaminayo Caanood iyo dadka degaanka, isagoo arrintaasi walwal badan ka muujiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayay saraakiisha qaar ku eedeynayaan inuu ciidamada u kala eexday islamarkaana uu gobolada qaar u diray hub iyo dhaqaale, halka qaar kale oo askarta kamid ah aanan waxba la siin xilli lagu cadaadinayo iney dagaal galaan, waana midda ka dhawaajisay Maxamad Cabdi Waare.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*