Wararka Gudaha

Askar Ka Tirsan Xasilinta oo Ku Dhintay Qarax Lagula Beegsaday Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha.

Askar ka tirsan ciidamada Xasilinta magaalada Muqdisho ayaa saacado ka hor qarax lagula beegsaday agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in qaraxa uu mar qura ka kacay goob ay ku nasan jireen ciidamada Xasilinta halkaasoo wax yar kadib dhacdada laga qaaday meydad iyo dhaawacyo ku wax noqday qaraxa.

Ciidamada Xasilinta ayaa meesha isku gedaamay intii uu gurmadka socday iyagoo saxaafadda u diiday iney ka ag dhawaadaan si aanan loo ogaan inta ay wax yeeladooda gaarsiisan tahay.

Marka laga yimaado khasaaraha uu qaraxan geystay ayaa waxaa kale oo dhaawac ku ah dowladda in xilligan uu qarax ka dhoco meel dhowr tallaabo u jirto garoonka diyaaradaha iyo xerada Xalane oo aan ognahay in dhawaan bandow la xiriira ammaanka lagu soo rogay.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*