Wararka Gudaha

Degdeg: Weerar Naf Hurnimo Ah oo Ka Dhacay Sanguuni oo Ah Halkii Shalay Mareykanka Khasaaraha Lagu Gaarsiiyay.

War degdeg ah oo goor dhow naga soo gaaray gobolka Jubada hoose, ayaa wuxuu sheegayaa in weerar culus lala tiigsaday fariisin ay degaanka Sanguuni, ka sameysteen ciidamo calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo ay dhawaan halkaasi geeyeen Mareykanka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhawaqa camaliyaddan meelo badan, laga maqlayay islamarkaana lala tiigsaday bartii ay ciidamada degganaayeen.

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu khasaare badan jiro, inkastoo aanan wali la helin faahfaahin rasmi ah. Ciidamadan ayaa waxaa halkaasi dhawaan geeyay askar Mareykan ah, kuwaasoo u sheegay iney la joogi doonaan, laakin Mareykankii ayaa ka baxay ballanta kadib markii shalay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac la gaarsiiyay.

Madaxweynaha Mareykanka iyo taliska Africom, ayaa qiray in askari Ameerikaan ah looga dilay weerarkii shalay loogu geystay Sanguuni afar kalana looga dhaawacay.

Saraakiisha Mareykanka ee ciidamadooda kala cararay Sanguuni, ayaa waxaa baqdin sii galin karta camaliyadda maanta dhacday, wax yar uun kadib markii ay tageen magaalada Kismaayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*