Wararka Gudaha

Sheekh Abuu Muscab: Kudhawaad 60 Askari ayaan ku dilnay Deegaanka Baarka.

Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu faafaahin ka bixiyay camaliyad Nafhurnimo oo galabnimadii maanta ka dhacday deegaanka Sanguuni, taas oo lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland, iyo weerar shalay lagu dilay Ciidamo Maraykan ah.

Sheekhu waxa uu sheegay in Naftii hure katirsanaa guutada Istish-haadiyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu weeraray barkulanka ciidamada Soomaalida ay ku lahaayeen deegaanka Baarka, halkaasna uu ku dilay kudhowaad 60 askari.

Weerarkii shalay lagu qaaday deegaankaas ayuu Sheekh Abuu Muscab sheegay iney ku dileen 1 askari oo maraykan ah, kuna dhaawacmeen 4 kale, halka ciidamada kenyaatigu kadhinteen 2 askari, waxaana malleeshiyaadka Soomaalida howlgalkii shalay kaga dhintay 9 askari, iyadoo uu jiro dhaawac aad u farabadan.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamada Maraykanka ay heli la’yihiin malleeshiyaad caratuur uga noqdo rasaasta Mujaahidiinta, mar weliba oo fagaaraha ay soo istaagaanna uu khasaare adag soo gaaro.

Halkan ka dhagayso Shir jaraaid oo uu qabtay sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*