Wararka Gudaha

Wasriika Amniga oo Bulshada Muqdisho Ku Eedeeyay Ineysan La Shaqeyn.

Maxamad Abuukar Islow Ducaale, oo ah wasiirka wasaaradda amniga DF ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah iyo weerarada Al-Shabaab uga yimaada.

Ugu horreyn wuxuu sheegay ineysan marnaba u dul qaadan karin in ay ciidamada dowladda dhexdooda maalin walba ku dagaalamaan caasimadda, isagoo ugu baaqay iney sameeyaan hubsiimo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu ka hagaagsan yahay sidii ay filayeen, waxa dhacaahina ay yihiin oo kaliya sida uu tilmaamay dilal qorsheysan oo ay adag tahay sida looga hor tago. Balse wuxuu eed dusha uga tuuray bulshada magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney kaalintooda maqan tahay.

Shacabka ayaa wuxuu ku tilmaamay iney yihiin kuwa qariya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab taasoo tusaale ah u ah buu yiri’ iney wada nool yihiin oo ayna qariyaan.

Hadalka wasiirka ayaa u muuqda (Nin daad qaaday xumbo cuskay) waxaana hadalkiisa laga dheehan karayaa inuu damacsan yahay culeysyo hor leh oo bulshada la saaro.

Maalmihii lasoo dhaafay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxay ahaayeen kuwa ay xannibeen ciidamada dowladda taasoo keentay iney dadku ku adkaato si ay dhar ciid uga soo iibsadaan suuqyada.

Madaxweynaha “DF” ayaa xalay bartiisa “Twitter” kusoo qoray hadal uu ciidamadiisa ugu baaqay iney wadooyinka furaan, waxaana xusid mudan inaanu maanta dhaqan galin hadalkaasi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*