Wararka Gudaha

Degdeg: Xarakada Al-Shabaab oo Dagaal Culus Ku Qaaday Saldhigga BS-ta Ee Siinka Dheer.

Askar ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa caawa fiidkii weeraray fariisin ay ciidamada BS-ta dowladda federalka ku leeyihiin degaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqidsho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal muddo ka badan saacad socday lagu ekeeyay saldhiggaan, waxaana xusid mudan inaanan loo soo gurman ciidamadaasi la weeraray.

Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa si aad ah looga maqlayay hugunka madaafiicda iyo deryanka rasaasta la is weydaarsanayay. Illaa iyo haddana lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Siinka dheer ayaa waxaa deggan ciidamo BS ama Nabad sugid ah oo ay dad weynuhu u yaqaanaan (Ashahaado la diir) waxaana ay ciidamada kale ee dowladda kaga soocan yihiin iney shaqadoodu tahay la dagaalanka dadka ay suunada ka muuqato.

Ma ahan markii ugu horreysay ee weerar culus lagu qaado ciidamada. Dhowr jeer oo hore waxaa lagu qaaday weeraro naf hurnimo ah oo ay askar badan uga dhinteen iyo weeraro toos ah intaba.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*