Wararka Gudaha

Deg Deg: Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Teeda Ee Duleedka Xudur.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah oo isku xiro degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

Wararka ka imaanaya deegaanka Teed ee duleedka degmada Xudur ee gobolk Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabaab ay weerar qorshaysan maanta barqadii ku qaadeen saldhig Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka  ay ku leeyihiin deegaanka.
Weerarka ayaa bilawday abaare 11:00 barqanimo ee maanta oo Isniin ah, waxaana dagaal kooban kadib ciidamada Al Shabaab u suurtagashay in ay gabi ahaan gacanta ku dhigaan deegaanka Teed iyo saldhigii maleeshiyaatka ah ay halkaas ku lahaayeen iyo dhammaan saanadihii melleteri ee saldhigga yiillay.
 War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan “Saraakiil ka tirsan ciidamada Jabhada Wilaayada Baay iyo Bakool oo la hadlay Idaacada Andalus ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay 4 katirsan Maleeshiyaatkii Murtadiinta ahaa ee ku sugnaa xerada la weeraray, sidoo kalena laga qaniimaystay afartii qori ee ay watteen. Sidoo kale Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay dhamaan saanadii milatari ee taallay xerada Murtadiinta” ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.
Maleeshiyaadkii  Dowladda Federaalka ee ka firxaday saldhigga la weeraray ayaa u kala yaacay dhanka dhulka duurka ah ee ku heeran deegaanka Teed.
Deegaanka Teed ee ay Maanta Mujaahidiintu weerarka ku qabsadeen ayaa ku yaalla wadada u dhaxaysa Magaalooyinka Xudur iyo Ceel Barde wuxuuna  30 Kiiloow Mitir Dhanka Waqooyi kaga beeganyahay Degmada Xudur ee  xarunta gobolka Bakool.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*