Wararka Gudaha

Qarax Gaari Gaashaaman Looga Gubay AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad.

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhex ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay markale lala beegsaday ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Maanta gelinkii dambe ayaa qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Ceelka Geeloow oo dhaca duleedka degmada Balcad, goob joogayaal ayaa sheegay in gabi ahaanba uu gubtay gaariga qaraxu beegsaday.

Ciidamo katirsan Burundi ayaa la xaqiijiyay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, wararka ayaa intaas ku daraya in goobta gaariga lagu gubay ay ku hakadeen ciidamada AMISOM oo ka yimid dhanka Jowhar kunasii jeeday magaalada Muqdisho.

 Dhinaca kale ugu yaraan hal askari oo Jabuutiyaan ah ayaa ku dhintay qarax Miino oo maanta duhurkii lagula beegsaday garoonka macmalka degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.
Xigasho Somalimemo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*