Wararka Dibadda

Video: Madaxweynaha Zimbabwe Oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

Wararka ka imaanaya wadanka Zimbabwe ee dhaca Koonfurta qaaradda Afrika ayaa sheegaya in uu isku day dil ka badbaaday madaxweynaha cusub ee wadankaasi.

Warbaahinta Afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in Emmerson Mnangagwa madaxweynaha Zimbabwe uu lakulmay weerar qarax xilli uu khudbad ka jeedinayay garoonka kubadda Cagta Bulawayo.

Video kooban oo lagasii daayay Telefeshinka qaranka ayaa muujinayay qarax haleelayay madaxweynaha xilli uu ku dhax socday gudaha garoon kubadda cagta lagu ciyaaro.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Zimbabwe ayaa wakaaladda wararka Faransiiska u sheegay in  Emmerson Mnangagwa uu ka badbaaday isku day dil balse ma sheegin cidda mas’uulka ka ah weerarka lagu qaaday madaxweynaha.

 Hoos Ka Daawo ilbiqiriqsii qaraxa lala eeganayay Madaxweynaha Zimbabwe

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*